Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Addis-Ababa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa si ku-meel-gaadh ah u joojisay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya ka dib markii laga helay qofkii ugu horeeyey ee uu ku dhacay Cudurka Coronavirus.

Hargeysa(RH)Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa Baadhitaan ka Bilaabay wasaaradda caafimaadka, cisbitaalka guud iyo ka TB-da ee magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay War Qoraala Oo ka soo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland

War-murtiyeedkan oo  Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa sidan :-

Hargeysa(RH)Mudanayaasha golaha Guurtidda Somaliland ayaa fadhigoodii  maanta Duub-duub ku meel mariyey wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameynayo xeerka isgaadhsiinta Somaliland, oo  maalinkii shalay ay  golaha wakiilladu wax ka badel ku sameeyeen islamarkaana ay cod aqlabiyadda ku ansixiyeen.

Qodobada meesha laga saaray waxa ka mid in shirkadda Somcable kooto loogu xidho xadhiga Feber Optiga loo yaqaani oo hore gaar loogu xidhay.

Laascaanood(RH):-Boqolaal xoola dhaqato ah ayaa ka guuray kadib markii ay gubatay dooxadda weyn ee Oodagooye, kuwaasi oo imika daaq yaraani ku heyso deegaanadii ay u guureen.

Dab xoogan oo ka kacay dooxada weyn ee Oodagooye oo ku taala duleedka magaalada Laascaanood kana xigta dhanka Koonfureed una jirta 3-km, waxaanu dabkaasi baabi’iyey daaqi xoolahaasi ay ku noolaayeen, taasi oo sababtay in dad badan oo xoola dhaqato ahi ay deegaano kale xoolaha ula daaqsin doontaan.

Berbera(RH)Dawladda Hoose ee Degmada Berbera ayaa  300 oo Guri bakhtiyaa-nasiib ugu qaybisay Qoysas danyar ah.

Maayarka degmada  Berbera Cabdikashuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa sheegay in dawladda hoose ee degmadaasi ay dhistay saddex boqol oo guri, kuwaas oo loogu talo galay in la siiyo dadkii magaalada gudeheeda ku barakacay iyo qoysaskii ay saamaynta ku yeesheen abaaruhu ee dul daarka ku ahaa ama la noolaa eheladooda degan magaalada Berbera.

Nairobi(RH):-Wafti ka socda Xukuumada Somaliland ayaa magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya kaga Qaybagalay Shir ku saabsan midaynta dhaqaalaha iyo ganacsiga wadamadda qaaradda Afrika kaasi oo maanta si rasmi ah uga furmay magaaladda Nairobi .

U jeedadda shirkaasi ayaa la xidhiidhay sidii mustaqbalka dhaw loo kobcin lahaa suuq hor ah oo ganacsina loogu samayn lahaa wadamadda Afrika, oo hadda dhaqaalahoodda iyo tiradda dadkuba aad u kordhayaan.

Burco(RH)Wasaaradda xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka ee Somaliland ayaa magaaladda Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Buugaagta Dastuurka ugu qaybisay Isuduwayaasha laamaha Dawladda ee Gobolka Togdheer.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay isuduwaha Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha ee Gobolka Togdheer Mustafe Axmed Cali waxaanu tilmaamay in wasaaraddu dedaal ku bixisay sidii Goboladda dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa Dastuurka JSl.