Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo maanta Shir Jaraa’id  ku qabtey xarunta wasaaraddasi isla markaan ay ka qayb ahaayeen guddiga la socodka xaalada xanuunka COVID 19  ayaa kaga waramaya dhaqdhaqaayada Corona Virus heerka uu dunida ka marayo iyo siday Somaliland ula socoto xanuunkaas.

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland iyo labada Xisbi Mucaarid ee Somaliland ayaa maanta Waxay si rasmi ah Heshiis Uga Gaadheen khilaafkii ka dhashay doorashooyinka, waxana Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay kala saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka JSL.

Burco(RH)Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Maareyaha Wakaaladda Waddooyinka, Badhasaabka Togdheer, Maayarka Burco, Cuqaal, Aqoonyahan, Masuuliyiinn iyo Martisharf kale,ayaa magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kaga qaybgalay Munaasibad ay Wakaaladda  Horumarinta Waddooyinka JSL ay ku abaal marinaysay hawlwadeenadeeda ugu wanaagsanaa sanadkii 2019ka .

 

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Maanta  Magaaladda Hargeisa ku Daah-furay Kulan-hawleed ay Wasaaradda Maaliyadu u qabatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’addaha Dawladda Somaliland, kaas oo lagu Lafo-guray Doorka ay ku leeyihiin Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, sida Diyaarinta Miisaaniyadda, Dakhliga, Dabagalka iyo Isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen Nidaamka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka.