Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Oo Buugaagta Dastuurka JSl Gaadhsiisay Gobolka Togdheer

Burco(RH)Wasaaradda xidhiidhka Golayaasha iyo arrimaha Dastuurka ee Somaliland ayaa magaaladda Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Buugaagta Dastuurka ugu qaybisay Isuduwayaasha laamaha Dawladda ee Gobolka Togdheer.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay isuduwaha Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha ee Gobolka Togdheer Mustafe Axmed Cali waxaanu tilmaamay in wasaaraddu dedaal ku bixisay sidii Goboladda dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa Dastuurka JSl.

Waxaanu sheegay in ay gaadhsiinayaan Dastuurka Wasaaradaha, Laamaha Dawladda, Dawladaha Hoose iyo Ciidamadda Qaranka.

Isuduwaha wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska ee Gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaanshe ayaa soo dhaweeyay qaybinta Dastuurka ee Gobolka Togdheer isaga oo sheegay in arintaasi tahay mid taariikhiya.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi ayaa isuduwayaasha wasaaradaha iyo shaqaalaha dawladda ku booriyay in ay akhriyaan oo bartaan Dastuurka Dalka isaga oo Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Xidhiidhka golayaasha iyo arimaha dastuurka ku bogaadiyay dedaalka ay geliyeen sidii ay dadku u baran lahaayeen dastuurka dalka.

 

Category