Dawladda Hoose ee Degmada Berbera Oo 300 Guri U Qaybisay Qoysas Danyar Ah

Berbera(RH)Dawladda Hoose ee Degmada Berbera ayaa  300 oo Guri bakhtiyaa-nasiib ugu qaybisay Qoysas danyar ah.

Maayarka degmada  Berbera Cabdikashuur Maxamuud Xasan Ciddin ayaa sheegay in dawladda hoose ee degmadaasi ay dhistay saddex boqol oo guri, kuwaas oo loogu talo galay in la siiyo dadkii magaalada gudeheeda ku barakacay iyo qoysaskii ay saamaynta ku yeesheen abaaruhu ee dul daarka ku ahaa ama la noolaa eheladooda degan magaalada Berbera.

Maayar Ciddin waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha ku nool xaafadda magaalo cad ay si nasiib ah ugu tartami doonaan shan iyo taban guri, kuwaas oo dadka nasiibkaas ka qayb-qaadanaayay ay dhamaayeen boqol iyo shan labaatan qoys, maayarka magaalada Berberi waxa kale oo uu sheegay in qaabkan ay ku kala saarayaan qoysaskaasi uu yahay mid cadaalada ah, oo qoyskastaaba heli doono waxa nasiibkiisu siiyo.

Ugu dambayn qaar ka mida dadkii ku guulaystay nasiibka guryahaas iyo qoysaskii aanay u suuro galin ayaa dawlada hoose ee degmada Berbera ku bogaadiyay dadaalada ay wadaan ee ku saabsan wax la qabashada dadka danyarta ah, iyagoo xusay in tartankaasu u qabsoomay si cadaalad ah.

 

Category