Waa kuma wasiirka iska casilay golaha wasiirada HirShabeelle ee xaley la magacaabay?

Muqdisho (RH)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in mid ka mid ah golaha wasiirada cusub ee xaley madaxweynaha HirShabeelle uu ku dhawaaqay uu is casilay.

Wasiirka is casilay oo lagu magacaabo Geelle Isaaq Warsame kana mid ah xildhibaannada HirShabeelle ayaa loo magacaabay wasiiro dowlaha amniga HirShabeelle.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu sheegay in wax u qabasho la'aanta gobolka uu ka soo jeedo ee Hiiran uu u diiday xilkaas maadama deeganka uu ka soo jeedo aan wax fiican laga siin maamulka oo kulmiya labo gobol oo kala ah Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe.

“HirShabeelle oo tacbaan ah in loo dhiso 81 wasiir waa arrin la yaab leh, marka heshiisyadii lagu ballamay waa laga baxay oo ku aadan in labada gobol ay wax isku darsadeen” ayuu yiri Xildhibaan Geelle.

81 wasiir ee xaley uu magacaabay madaxweyne Guudlaawe ayaa 70 ka mid ah waxa ay ku jiraan xildhibaannada baarlamaanka maamulka HirShabeelle.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category