Muqdisho (RH)-Sida uu baahiyay Raadiyaha dowladda maanta oo Isniin ah, safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen, ayaa maanta shaaciyay in dalkiisa uu ka cafiyay Soomaaliya deyn ay lahaayeen.
Hadalkan ayuu danjiraha sheegay kadib markii uu magaalada Muqdisho kula kumay wasiirka maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige.
Sida uu sheegay Radio Muqdisho,heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo dowladda Soomaaliya ay yeelatay dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horray u go’aamiyay bishii march ee sannadkan 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen.
“Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka maaliyadda
Isla arrintan ayaa go'aamineysa in dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.
Dowladda Denmark ayaa ka mid ah dowladdaha sida dhaw u taageera dadaalada Soomaaliya loogu soo celinayo nabadda iyo amamanka, waxaana ay ka mid tahay waddamo dhowr oo Yurub ka dhisan oo taageera hey'addaha dowladda federaalka.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu-Somalia