Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa  kusoo dhaweeyey saddex askari oo kamida Ciidamada Qaranka Somaliland oo gacanta ugu jiray   Maamul Goboleedka  Puntland, waxaana soo dhaweeyey Saraakiishan Wasiiradda Wasaaraddaha Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Asluubta iyo Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarada dalka.

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa maanta si wadajir ah u shaaciyey Shirweyne loo Qaban doono Hay’adaha Maaliyadda ka Shaqeeya ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa si wada jir ah u shaaciyey Shirwayne loo qaban-doono hay’adaha maaliyadda ka shaqeeya ee Somaliland, kaas oo ka 

Hargeysa(RH)Xubno ergo is xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland , isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo duubka u xidhay sidii ay Madaxweyne Biixi ugu qancin lahayeen inuu xabsiga  ka soo daayo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dalabkooda.

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa maanta Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu soo Qabtay Dagaalkii Tukaraq,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay inay Somaliland sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq  ku dhexmarey Somaliland ee maamulka Puntland .