Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

Hargeysa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa maanta Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu soo Qabtay Dagaalkii Tukaraq,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay inay Somaliland sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii deegaanka Tukaraq  ku dhexmarey Somaliland ee maamulka Puntland .

 

War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska warqabadka Radio Hormuud ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu yidhi Sidan:-

Tallaabadan oo muujinaysa in Somaliland mudnaan weyn siisay amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa ka go’an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay xoojinta nabadda.

Haddaba, Somaliland waxa ay u aragtaa shaqaaqooyinka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku waddo dawladda Somaliland in maamulka Farmaajo hurinayso.

Waxaynnu ognahay dabka ka holcaya Kismaayo, Gal-mudug, Hir-shabeelle, Puntland iyo Muqdisho uu yahay colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka farmaajo, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la leedahay Soomaaliya waa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka Somaliland waxa ay diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado dhibaatada laga soo maleegayo maamulka farmaajo

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo danaynaysa nabad ku noolaanshaa iyo deris wanaaga waxay soo jeedinay in duruufaha ku geedaaman mandaqada geeska Africa ee dhaqaale xumada fakhriga abaaraha iyo hoos u dhaca adeega aasaasiga ah laysu kaashado lagana waantoobo dagaal iyo colaado hor leh.

Liiska saamaxaada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey Maxaabiista Dagaal ee Maamul Goboleedka Puntland ay kaga qabteen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo kala ah:

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali

2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle

3) Maxamed Siciid Yuusuf

4) Cali Faarax Aadan

5) Maxamed Cabdi Caynab

6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane

7) Xuseen Siciid Warsame

8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur

9) Maxamed Abshir Aadan

10) Ibraahin Xasan Salaad

11) Axmed Maxamed Axmed

12) Siciid Ducaale Cali

13) Mahad Nuur Cali

14) Faarax Maxamed Cabdi

 

Category