Diiwaan-galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Oo Maanta ka Bilaabmatey Somaliland

Hargeysa(RH):-Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka waxa saaka si rasmi ah uga bilaabmay diiwaan-galinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland oo dalka ka socon doonta muddo bil ah.

 

Wajiga koowaad diiwaan-galintu waxa ay ka socon doontaa dhammaan gobolada dalka JSL muddo dhan 15 maalmood oo ku eeg 11 bisha January ee sannadka 2023, wajiga labaad diiwaangalintu waxa ay ka sii socon doontaa goobo cayiman oo ku yaala xarumaha 23-ka degmo doorasho iyo xuduudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland muddo 15-maalmood ah oo Iyana ku eeg 26 january ee sannadka 2023.

 

Diiwaangalintan oo ka qabsoomaysa 176 goobood oo ku kala yaala 23-degmo dooraso ee dalka , waxa ka faaidaysanaya dadkii aan hore isu diiwaangalin, qof kasta oo gaadhay da’da qaan-gaadhka , qof kasta oo isdiiwaan-galiyey hal mar wax ka badan kaadhkuna ka gubtay, qofka aan qaadan kaadhkiisii codbixinta iyo qofkii hore u haystay shahaadadii codbixinta ee ku-meel-gaadhka ahayd .

Maalmihii ugu dambeeyey waxa guud ahaan dalka si weyn looga dareemayey u diyaargarowga codbixinta doorashooyinka qaranka , iyadoo masuuliyiin dawlada iyo qaybaha bulshada ka mid ahi ay gobolada iyo degmooyinka dalka ugu baxeen sidii bulshada ay ugu wacyi-galin lahaa in ay si weyn uga qayb-qaataan diiwaangalinta.

 

Category