Waa kuma Dr Shaafici, ninka Soomaaliga ah ee ku guuleystay abaalmarinta Dhakhtarka Qaallinka ee ugu Fiican?

Muqdisho (RH)-Abaalmarinta Caafimadka Soomaliyeed oo lagu Abaalmariyo haldoorada Caafimadka iyo xarumaha caafimaadka oo lagu qabtay sannadkan 2022 magaalada Muqdisho ayaa lagu abaalmarinta Dhakhtarka Qaallinka ee ugu wamaagsam lagu siiyay Dictoor Shaafici Aadan dirir.

Digtoorka ayaa Qaallino badan oo adag ku guuleystay kuwaas oo meelo halis ah laga sameeyay.

Mid ka mid ah qalliinadaas waxaa ka mid ah qalliin uu ku sameeyay gabar la yirahdo Huda Maxamed oo uu caloosheeda ka soo saaray ilaa 38 buro oo uga yaallay caloosha kuwaas oo mugdi galiyay nolosheeda.

Waxay ku noolayd dalka Sucuudiga halkaas oo ay ka samaysay dadaallo badan oo ay xal ugu raadinayso burada nolosha la qaybsatay, balse nasiib-darro uma aysan suurtagelin inay hesho dhakhtar ay ku qanacdo.

Huda oo mar sii horreysay BBC Somali la hadashay ayaa sheegtay in markii ay booqatay mid ka mid ah isbitaallada dalka Sucuudiga lagu yiri "haddii aad doonayso in lagaa saaro burada, waxaa khasab ah in minka ama ilmo-galeenka lagaa saaro.”

Balse kaddib markii ay Huda ka soo quusatay dhaqtarkii Sucuudiga ee yiri 'minka ayaa lagaa saarayaa', ayaa waxa ay go’aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Waxay tiri: “Kaddib markii aan imid magaalada Muqdisho waxaan la kulmay dhaqtar Shaafi, waxa uuna igu yiri In shaa Allaah ilmo-galeenkaaga waan kuu badbaadinayaa. Farxad weyn ayaan dareemay, marka sidaas ayaa qalliinka la iigu sameeyay.”

Haddaba maxaad ka taqaanaa Dhaqtar Shaafici?

Waa kuma Dr Shaafici

Dr. Shaafici Aadan Dirir waxa uu ka mid yahay dhaqaatiirta ka howlgasha maagalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Shaafi.

Waxa uu ku takhasusay qalliinnada guud, gaar ahaan kuwa casriga ah.

Waxbarashadiisa wuxuu ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo uu muddo dheer ku sugnaa oo uu xitaa ka soo shaqeeyay, sida uu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in sababtii ku kalliftay in markii horeba uu barto qalliinka ay ahayd markii uu dhacay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ayaa waxa uu u soo joogay dad badan oo dayac u dhintay.

Dr. Shaafici ayaa go’aansaday kaddib markii uu arkay baahida caafimaad ee dalka ka jirta in uu 2013-kii dib ugu laabto magaalada Muqdisho.

“Tan iyo markaan dalka dib ugu soo noqday waxaan waddanka qeybihiisa kala duwan ka fuliyay qalliinno badan sida Garowe, Hargeysa, iyo Kismaayo”

Dr. Shaafici ayaa dadka uu qalliinnada ku sameeyo qaar ka tirsan waxa uu ku faafiyaa bartiisa Facebook, taas oo sababtay in dad badan oo ay ka mid tahay Huda ay uga soo safraan dalal aad fog.

Xigasho: BBC

Category