Sawirro: Madaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Madaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa goordhow la filayaa in uu ka furmo shir u dhexeeya madaxda dalalka la isku yiraahdo safka horre ee ciidamadooda joogaan Soomaaliya, sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii soo gaaray madaxweynayaasha Jabuuti, Ismaacil Cumar Geelle, madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Shirka ayaa xoogga lagu saari doonaa qodobo ay ka mid yihiin taageerada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab  iyo doorka ciidamada ATMIS iyo in ay si wadajir uga qeyb qaataan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ka mid ah ajandayaasha ay ka hadli doonaan madaxda siddii baaq mideysan loogu diri lahaa caaalmka oo ku aadan taageerada ciidamada Soomaaliya iyo in la muujiyo khatarta waxa loogu yeero argagixisada ay ku hayaan xasillinta gobolka.

Shirkan waxaa ka horreeyay shir ay yeesheen taliyayaasha ciidamada safka horre sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana baaqday shir ay ka qeybgali lahaayeen wasiiradda gaashandhigga waddamadan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray inta badan wadooyinka oo dadka ayaa lugeenaya.

Waxa kale oo la xannibay duulimaadyada gudaha iyo dibedda, waxaana sidaas loo yeelay badqabka martida magaalada imaanaya.

Madaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray MuqdishoMadaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray MuqdishoMadaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray MuqdishoMadaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray MuqdishoMadaxda safka horre ee gobolka Geeska Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

 

 

 

Category