Sawirro: Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogta Garowe

Garowe (RH)-Xildhibaan Ilhan Omar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa maanta oo Khamiis ah ka dagtey magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo shacabka magaalada.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ilhaan Omar, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Booqashada oo weli aan si rasmi ah loo shaacin u jeedkeeda ayaa qaadan doonto dhowr maalmood, sida ay sheegtay Puntland. Ilhaan ayaan weli dhankeeda ka hadal booqashada.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa sannadkii 2018 noqday labadii gabar ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku biira Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ama ku dhashay Afrika oo Aqalka ka mid noqda.

Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogta Garowe Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogta Garowe Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogta Garowe Ilhaan Cumar oo booqasho ku joogta Garowe

 

Category