Muqdisho (RH)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya aysan ka qeybgali doonin howlgalka Midowga Afrika ee lagu wado in lagu badalo howlgalka hadda shaqeeya ee Midowga Afrika ee loo yaqaanno (ATMIS).
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa wareysi uu siiyay Telefiishanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa uu ku sheegay in go'aankan ay dowladda ku sheegtay maadama xukuumadda ku xadgudubka Qaranimada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigay.
"Ciidamada Itoobiya si rasmi ah ayaa looga saaray howlgalka cusub ee AUSSOM oo billaabanaya horraanta sanadka 2025-ka, sababtoo ah Itoobiya waxay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya," ayuu yiri wasiir gaashandhigga.
Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo 3,000 oo askari oo hoos yimaada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka joogaan Soomaaliya in loo diiday in ay ka mid noqdaan howgalka cusub.
Arrintan ayaa qeyb ka ah khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa kaasoo daba socda heshiiskii Is-afgaradka ee ay Itoobiya horantii sannadkan ,la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay hesho deked iyo saldhig ciidankeeda badda ay jogaan, iyadoo Somaliland siinaysa aqoonsi rasmi ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaantey mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.
Itoobiya ayaa waxa kale oo ka jooga Soomaaliya ciidan lagu qiyaasa 5,000 ilaa 7,000 oo askari oo dheeraad ah, kuwaasoo ku sugan gobollada kale iyada oo loo marayo heshiis laba geesood ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi-Kenya