Hanti Dhawrka Guud Ee Somaliland Oo Xidhay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Degaanka

Berbera(RH):-Xafiiska Hanti Dhawrka Qaranka Somaliland oo maalmihii ugu dambeeyey hawlo baadhis ah ka waday qaar kamid ah Xafiisyadda Hay’addaha laamaha dawladda Somaliland ee magaaladda Berbera ayaa xabsiga u taxaabay laba xubnood oo ka tirsan maamulka wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland.

ku xigeenka Hanti dhawraha Guud ee Somaliland Sacad Riiraash oo warbaahinta Qaranka kula hadlay magaaladda Berbera ayaa cadeeyey xadhiga labadan qof ee ay xidheen,isaga oo tilmaamay in ay magaaladda Berbera ka wadaan shaqadoodii caadiga ahayd, isla markaana ay meelo kala duwan oo laamaha iyo Hay’addaha dawladda ah baadhiso ka wadaan, baadhisahaas oo qaarkood bilaw yihiin,kuwo kalena ay gebo gebo ku dhow yihiin.

Labadan masuul ee ay Hanti Dhawrka Guud ee Qaranku xidheen ayay ku sheegeen isu duwihii hore ee wasaaradda degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Saaxil iyo xisaabiyihii wasaaradda ee gobolka.

Dhanka kalena Agaasimaha waaxda Baadhista ee xafiiska Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Cali Sheekh Maxamed Axmed oo isna arrimaha baadhista ee ay magaaladda Berbera ka wadaan ka hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan baadhitaanadda iyo dabagalka ay ka wadaan Laamaha iyo Hay’adaha Dawladda Somaliland ee gobolka Saaxil, si ay u yareeyaan arrimaha Musuq Maasuqa, isaga oo sidoo kalena usoo jeediyey madaxda hay’addaha laamaha dawladda in ay Qarankooda si daacad ah ugu shaqeeyaan

 

Category