Carfisada guryaha oo laga digay inay sababto dhimasho

Carfisada guryaha oo laga digay inay sababto dhimasho

Waaliddiinta gabadh geeriyootay ka dib markii ay qaadatay hawada carfisada guryaha ayaa ka doonaya shirkadda soo saarta carfisadan inay dadka uga digaan halista ka dhalan karta.

Giorgia Green, oo gabadh 14 jir ahayd kana soo jeedda Derby, UK, ayaa wadnuhu istaagay ka dib markii carfisada ay ku buufisay qolka jiifka.

Waaliddiinteeda ayaa tan iyo xilliggaas ka war ka helay dad da' yar ah oo aan si ula kac aheyn u dhintay kadib markii ay uriyeen carfiso.

Iyada oo laga jawaabayo arrintan, ururka warshadaha soo saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA) ayaa sheegay in carfisada ay ku dul qoran yihiin ereyo "digniino ah oo iska cad".

Sharci ahaan, shirkadaha so saara carfisada waa inay ku dul qoraan weelka ay ku jirto "ka fogee isla markaana dhig meel aanay carruurtu gaari karin". Si kastaba ha ahaatee, waalidiinta Giorgia waxay yiraahdeen qoraalku far yar buu ku qornaa.

Waxay aaminsan yihiin in waalidiin badan ay carruurtooda u iibiyaan carfisada iyagoon dareemin digniinta ku qoran.

"Dadku ma yaqaannaan waxyaabaha halista ah ee ku jira carfisada," ayuu yiri gabadha geeriyootay aabbaheed oo la yiraahdo Paul.

"Waxaan jeclaan lahaa in qof ku nool adduunka uusan marin dhibaatadii aan soo maray".

Sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Qaranka (ONS), in carfisada lala xiriiyay 11 dhimasho ah intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020.

Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ee dhimashadu waxay u muuqataa inay ka badan tahay tan, sababtoo ah xaqiiqda ah in walxaha gaarka ah aan had iyo jeer lagu xusin shahaadooyinka muujinaya dhimashada.

Shahaadada dhimashada ee Giorgia waxay tilmaamaysaa inay qaadatay hawada carfisada.

Butane - oo ah maadada ugu muhiimsan ee laga helay carfisada hawadeeda ay qaadatay Giorgia - ayaa la diiwaangeliyay inay ku lug laheyd 324 dhimasho intii u dhaxaysay 2001 iyo 2020. Propane iyo isobutane - oo sidoo kale laga helay carfisadan - waxaana lala xiriiriyay 123 iyo 38 dhimasho ah.

ONS waxay sheegtay in walxahan lala xiriiriyay tiro dhimasho ah, iyadoo xustay: "Qaadashada hawada butane ama gaasta propane waxay keeni kartaa wadne xanuun."

Ururka Royal ee ka hortagga shilalka ee (RoSPA) ayaa sheegay in tiro dad ah ay dhinteen ka dib markii ay si xad dhaaf ah ay isugu buufiyeen carfiso.

Ashley Martin, oo ah lataliyaha caafimaadka bulshada ee RoSPA, ayaa tiri: "Waa ay fududahay in loo qaato inay gabi ahaanba la isku haleyn karo badqabka oo aan laheyn wax halis ah, run ma ahan arrintaas".

Ururka warshadaha soo saara carfisadanAerosol ee Britain (BAMA bayaan uu soo saaray ayaa sidatan lagu sheegay : "Ururka (BAMA) wuxuu si dhab ah ula tacaali doonaa dhacdo kasta oo ku lug leh wax soo saarka carfisada, aad ayaan uga murugoonnay inaan ogaanno dhimashada qof aad u da'yar. ayaa loo xushay in uu noqdo filmkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qayb ka noqda tartanka abaalmarinta Oscars sannadkii 2021.

Xigasho: BBC

Category