Cabdinaasir Macallin Ceydiid oo ku geeriyooday Addis Ababa

Muqdisho (RH)-Alla ha u naxariisto waxaa maagaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku geeriyooday  Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ahaa abwaan iyo fannaan caan ka ah dhulka Soomaalida.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu geeriyooday xanuun hayay maalmahan, isagoo intiisa badan nolashiisa ku qaatay magaalada Hargeysa.

Wuyuxu caan ku ahaa  tumista  Cuudka ama Kabanka, sidoo kale, marxuumka ayaa ahaa mulaxan iyo waliba heesaa codkiisa si weyn loogu raaxaysto.

Cabdinaasir Macallin Ceydiid ayaa sannadkii 1959-dii ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yeman, sida aan ka soo xigganay Cumar Seerbiya oo ah saxafi ku fooggan suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia 

Category