Bisha barakeysan ee ramadaan iyo faaidooyinka laga hello soonka. 

RH: Ramadaan waa bisha sagaalaad ee taariikhda Hijriga Islaamka, waana mid ka mid ah bilaha ugu barakaysan Islaamka. Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa sooma laga bilaabo waaberiga ilaa qorraxdu dhacdo, iyagoo raacaya amarka Alle sida ku xusan Qur'aanka. Soomidda ma aha oo kaliya ka fogaanshaha cunista iyo cabidda, laakiin waxaa sidoo kale ka mid ah iska ilaalinta rabitaanka nafta iyo falalka xun. Ramadaan waa fursad loogu talagalay nadiifinta ruuxda, kordhinta xiriirka Alle, adkaynta iimaanka, barashada samirka, iyo is-xakamaynta. 

Faa'iidooyinka Soonka ama soomida: 

  • Horumarinta Caafimaadka Ruuxiga iyo Maskaxda: Soomku waa fursad loogu talagalay in lagu fikiro nolosha iyo dabeecadda shaqsiyeed, taasoo ka caawinaysa in la horumariyo samirka, toosnaanta, iyo is nidaaminta qofeed (discipline). 

  • Kor u Qaadida Caafimaadka Jirka: Daraasaduhu waxay muujiyeen in soomidda ay hagaajin karto heerarka sonkorta dhiigga, yarayn karto khatarta cudurrada wadnaha, iyo inay ka caawiso miisaan dhimida ,Sidoo kale waxay siisaa nidaamka dheef-shiidka fursad uu ku nasto oo uu ku soo kabto. 

  • Xoojinta Xidhiidhada Bulshada iyo Qoyska: Muslimiintu waxay isugu yimaadaan inay wada afuraan, taasoo xoojinaysa xidhiidhka qoyska iyo abuurista dareenka bulshada. 

  • Sifaynta Jirka: Soomidda waxay fursad u tahay jirka inuu iska saaro sunta iyadoo laga fogaanayo cunto iyo cabitaan muddo cayiman, taasoo ka caawinaysa in la hagaajiyo caafimaadka guud. 

  • Kor u Qaadida Wacyiga Bulshada iyo Isku-duubnida: Soomidu waxay ku dhiirigelinaysaa Muslimiinta inay ka fikiraan masaakiinta iyo baahida ay qabaan, waxayna kor u qaadaysaa deeqsinimada iyadoo loo marayo zakat iyo tabarucaad. 

  • Hagaajinta Caadooyinka Cuntada: Soomku waxuu ka caawiyaa dadka in la hagaajiyo caadooyinka cuntada, barashada sida loo xakameeyo rabitaanka nafta iyo in la sameeyo doorashooyin caafimaad qaba oo ah waxyaabaha la quudanayo. 

Gunaanad 

Ramadaan ma ahan oo kaliya bishii soomidda iyo ka fogaanshaha cuntada iyo cabitaanka waa se xilli loogu talagalay fikirka, cibaadada, iyo horumarka shaqsiyeed iyo ruux ahaaneed, Waxay keentaa faa'iidooyin badan oo jireed, Naf ahaaneed iyo bulsho oo saameyn waarta yeelan kara. 

Ramadaan mubaarak dhamaan busho weynta soomaaliyeed, Alle soomka ha inoo fududeeyo. 

 

Diyaarinta : Mohame-Amiin Siyaad Abdi .

Barnaamijka oo cod ah isagana ka dhegayso boggan  waxaana Soo jeedin doona .

Mohamed Kaafi Ali Mumin. 

Category