Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha wakiilada, guurtida, madaxda dhaqanka,  waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 10/05/2019, Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa Goordhaweyd ku Geeriyooday Cispitaalka Internationalka ee  Magaalada Hargeysa Marxuum Xildhibaan  Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi waraabe )oo ka  mid ahaa Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland .

Geerida Marxuum Xaaji Cabdi waraabe waxaa Radio Hormuud U Xaqiijiyey Qaar ka mid ah Ehelada Marxuumka .

Hargeysa(RH)Kal-fadhigii 34-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/05/2019, waxa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka iyo horumarinta maalgashiga.

Ceerigaabo(RH)Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro iyo maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa ku kala aragti fog xaaladda degdegga ah ee madaxweyne Biixi ku soo rogay magaalada Ceerigaabo, Ceelafweyn iyo Garadag. Maayarka ayaa ka soo horjeeda xayiraadda halka uu badhasaabku u arko in aanay wax mushkilad ah gobolka ku hayno bandowda la saaray.

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Ugu Yaraan 10 Qof ayaa ku Geeriyootey Tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen Shil Baabuur Oo aad U Naxdin badan Oo Goordhaweyd ka dhacay jidka U Dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera gaar ahaana inta U Dhaxaysa Deegaanada Xamaas Iyo Lafaruug .

Hargeysa(RH)Magaalada Hargeysa waxa lagu dhejiyay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada madaxweynihii hore ee Somaliland AHUN Maxamed X Ibraahin Cigaal iyo Kofi Anan oo soo noqday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana weheliya erayo kooban. Laguma sheegin boodhka sababta keentay in shaaricyada Hargeysa xilligan lagu xardho sawirradan laakiin, waxay u muuqata in xukuumaddu kaga jawaabayso hadallo uu jeediyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar.

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) oo uu weheliyo abaanduulaha koowaad ee ciidanka qaranka JSL Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), ayaa kormeer ku tagay cisbitaalka ciidanka qaranka ee xerada Birjeex ee magaalada Hargeysa kaasi oo ay booqdeen bukaanada ku jira cisbitaalkaasi iyo waliba dhismaha cisbitaalka cusub ee loo dhisayo ciidanka Qaranka JSL kaasi oo meel wanaagsan maraya.

 

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka dhexdooda ah, islamarkaana ay meel ugu soo wada jeestaan wax kasta oo ammaanka qaranka khal-khal ku keeni kara.