Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Boorama(RH)Wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cusmaan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Wakaaladda Waddooyinka Somaliland iyo xubno ka socday Banka Horumarinta  Afrika (African Development Fund) ayaa booqday Wadada isku xidha Jabuuti iyo Boorame, wadadan oo ay dhismaheeda gacanta ku hayso Hay’adda madaxa banan ee SARDA oo gacan ka helaysa dadweynaha Gobolkka Awdal  iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somliland, ujeedka socdaalka waftigan ayaa ahaaa qii

Gabiley(RH)Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa Magaalada Gabilay ka furtay Mashruuc wax ka taraya Wax soo saarka Beeraha iyo Cuntadda.

waxa uu Mashruucani isugu jiraa sadex qaybood oo kala ah Joojinta Ciida iyo Biyaha, Kor u qaadista Wax soo saarka beeraha, Kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo wax ka bedelka tacadiyada ka dhanka ah haweenka Waxaanu Mashruucani soconayaa Mudo sannad ah iyadoo ay ka faa’iidaysanayaan Toban Tuulo oo hoos taga Gobolka Gebilay.

Hargeysa(RH)Xildhibaannada Golaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Cod ku ansxiyey Wasiirrada  wasaaradaha Caddaladda iyo caafimadka,  C/risaaq Cali Cabdi iyo Cumar Cali C/laahi,Wasiir ku xigeennada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Arrimaha dibadda  C/Naasir Caydiid Maxamed, C/Qaadir Cumar Jaamac Iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe.

Hargeysa(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay furitaanka Bandhigii 12aad ee Carwada Buugaagta ee Hargeisa International Book Fair oo sannad kasta lagu qabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

 

Hargeysa(RH)Markabkii Xoolaha siday ee ka tagay dekedda Berbera ee maalmihii u dambeeyey  ku xayirnaa dekedda Jidda ee dalka Sucuudiga ayaa Xalay fiidkii si rasmi ah looga dejiyey xoolihii, kadib markii dhakhaatiirta Sucuudigu ay hubiyeen  caafimaadka iyo badqabka xoolaha Somaliland.

Hargeysa(RH)Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Jawaab Ka Bixisay Hadallo Kasoo Yeedhay Dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha Soomaaliya

 

Sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo Baxay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland waxaanu u dhignaa sidan

                                          War-Saxaafadeed