Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda axsaabta qaranka kulankaas oo lagaga wada hadlay sii amba-qaadka heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, oo ay kasoo qayb-galeen gudoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakiil ka ahaa gudoomiyaha xisbiga waddani.

 

Hargeysa(RH)Mudanayaasha Gudida Joogtada Ah Ee Aqalka Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay xarunta Barlamanka kulan xogwareysi ah kula yeesheen Wasiirka wasaarada warfaafinta ,dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Md. maxamed Muuse Diiriye ,waxaanu wasiirku Mudanayaasha uga warbixiyey Dadaalo hor ler oo uu ku horumarinaayo warbaahinta qaranka S/land ,iyadoo warsiirku daboolka ka qaaday in idaacadii weyn la kicinaayo

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiintii ku wehelinaayey Safarkii gudashada waajibaadka xajka ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

 

Hargeysa (RH):- Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland, ayaa ka war-bixiyay hawlaha shaqo ee ay qaranka u qaabilsan yihiin iyo waxyaabihii muddooyinkii u dambeeyay u qabsoomay oo ay ka mid yihiin kormeero ay ku tageen xabisyada iyo saldhigayda dalka.

Waxaa kale oo ay ka hadleen heerka Xuquuqda adaamaha ee Somaliland oo ay tilmaameen in ay marayso meel wanaagsan oo ka fiican dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalk soo koraya.

Hargeysa(RH)Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa Goaan ka soo saartey Lacagaha Khidmada ah ee Ay Qaadaan Wakiilada Maraakiibta ee ka soo daga Dekeda Magaalada Berbera Taasi oo maalmihii u dambeeyey Khilaaf ka jirey .

 

Sidaasina waxaa lagu sheegay Qoraal maanta ka soo baxay Xafiiska wasiirka wasaarada Ganacsiga,Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad