Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Fadhigii 51-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagaga dooday laguna ansixiyey xeerar kala duwan.

Hargeysa(RH)Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ciyaaryahannada kooxda kubbadda cagta ee kooxda SINDO UNITED oo ka dhisan waddanka Kenya oo maalmihii ugu danbeeyey kulammo kubbadda cagta ah la qaadatay kooxo kala duwan oo ka dhisan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera.

 

Hargeysa(RH)Shirkada Aw-Xaashi Xoor Geel  oo ah Mashruuc lagu dhaqayo Geela ayaa  laga daah furay deegaanka Beder-wanaag ee degmada Sabawanaag, Shirkadan oo ay maal-galisay Marwo Khadra Cumar Qardhaas oo ka mida qurbajooga reer Somaliland ee dalka Qadar, isla markaasna mudo dheer ka shaqaynaysay horumarinta bulshada iyo arimaha khayriga ah.

Hargeysa(RH)Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ay wehelinayeen Maareeyaha iyo Maareeye-ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka ee RDA (Road Development Agency ), ayaa kormeer ku maray goobaha ay ka socoto dhismaha waddada weyn ee isku xidhaysa magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

 

Hargeysa(RH):- Maamulka guud ee Shirkadda GTS oo ah shirkad waddani ah lagana leeyahay Somaliland kana shaqaysa Somaliland iyo dalalka deriska isla markaana gacanta ku haysay muddo Kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka,ayaa si buuxda usoo dhawaysay la wareegidda dawladdu kula wareegayso kaadhka dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Waxaa kale oo maamulka Shirkadda GTS oo ballan qaaday in ay mar walba diyaar u yihiin in ay soo dhaweeyaan wax kasta oo horumar ah oo ay ku tallaabsato Xukuumadda Somaliland.

Hargeysa(RH):-Garoonka ay diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa waxaa lagu soo dhaweeyay koox ka mid ah , naadiyadda heerka koowaad ee dalka Kenya, kuwaas oo ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaari doona laba kooxood oo ka kala dhisan magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame.