Sawirro: Maxay ahayd daraasadda lagu soo bandhigay Jigjiga?

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida,ayaa lagu soo bandhigay daraasad ka hadleysa horumarinta nidaamka dhaqashada xoolaha iyo beerashada casriga ah.

Machadka cilmi baarista iyo xoolaha ee dowlad deeganka Soomaalida, ayaa soo bandhigay 42 daraasad oo laga sameeyay deeganka Soomaalida.

Ugu horreyn, wasiirka xafiiska beeraha dowlad deeganka, Dr Cabdiqaadir Iimaan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay daraasaddan inuu machadka ku doonayo siddii wax looga qaban lahaa caqabadaha heesta bulshada xoola dhaqatada ah iyo xool dhaqata beeraleyda ah ee deeganka.

''Cilmibaaristan waa mid la rabo in aqoon lagu gaaro meesha la rabo, sababto ah mar kasta dhib ayaa meesha imaanaya, dhibtaasna xal ayey u baahan tahAY, machadku waxa uu u aasaasan yahay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka naga heysta xaga xoolaha iyo beeraha''ayuu yiri Dr Cabdiqaadir.

Sidoo kale goobta lagu soo bandhigayay daraasadahan ayaa waxaa ku sugnaa qaar ka mid ah hey'addaha caalamiga ee ka shaqeeya dowlad deeganka iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda, sida uu sheegay telefishanka SRTV oo ku hadla afka dowlad deeganka.

Daraasaddan ayaa waxa lagu sheegay u jeedkeeda in la rabo siddii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heesta bulshada xoolaha dhaqata ah iyo kuwa beeraleyda ah.

Mac'hadka Cilmi-baadhista xoolaha iyo Beeraha DDS ayaa natiijada 42 daraasaad u soo bandhigay bahwadaagtiisa kala duwan.Mac'hadka Cilmi-baadhista xoolaha iyo Beeraha DDS ayaa natiijada 42 daraasaad u soo bandhigay bahwadaagtiisa kala duwan.Mac'hadka Cilmi-baadhista xoolaha iyo Beeraha DDS ayaa natiijada 42 daraasaad u soo bandhigay bahwadaagtiisa kala duwan.

Daraasaddan ayaa soo bandhigtey siddii xoola dhaqatada iyo beeraleyda ay uga guuri lahaayeen nidaamkii horre dhaqamiga ahaa ayna la qabsadaan hannaanka cusub ee wax loo beerto ama wax loo dhaqdo maanta dunidda.

Dhammaan dhinacyadii ka soo qeybgalay daraasadda ayaa ka doodday siddii daraasadda looga dhaqangalin lahaa deeganka Soomaalida ayna u noqon lahayd mid wax tarta xooladhaqatada iyo beeraleyda deeganka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category