Denmark: Qoys Tarxiil kaga badbaadey cabsi laga qabo in yartooda lagu gudo Soomaaliay

Gabar 4 jir ah oo u dhalatay Soomaaliya ayaa sharci laga siiyay dalka Denmark kadib markii markii hore loo diiday.

12 Agoosto 2023 marka 17:20 /ritsau/ Guddiga Qaxootiga ayaa ka noqday go’aankoodii ahaa in la tarxiilo gabar 4 jir ah oo Soomaaliyeed iyo waalidkeed.

Tani waxay dhacday ka dib dhaleeceyn uga timid guddiga carruurta ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu qoray bogga internetka ee guddiga qaxootiga Denmark.

Guddiga ayaa sidoo kale ku wargeliyay qoyska, in qiimeynta cusub ka dib, in gabadha la siiyay sharci degenaansho Danmark.

Hooyadan oo dhalatay sanadkii 1989-kii ayaa Denmark timid sanadkii 2014-kii, wax yar kadibna waxa ay heshay sharciga degenaanshaha Denmark.

Ninkeeda ayaa yimid dhowr sano ka dib isagoo wata afar carruur ah. 2019, waxay dhashay gabadh. Sida saxda ah waa gabadha udub dhexaad u ah kiiska.

Halkan ka akhri go’aanka

Markii waalidiintu ay magangelyo weydiisteen dalka Denmark kadib ayey yartu dhalatay, waxaa ka mid ahaa sababihii ay sharciga ku codsadeen in haddii qoyska loo tarxiilo Soomaaliya, ay jiri karto khatar ah in gabadha si qasab ah lagu gudo.

Inkastoo ay sharci darro tahay gudniinka gabdhaha iyo haweenka ku nool dalka ku yaalla bariga Afrika, ku dhawaad ​​98 boqolkiiba haweenka dalka soomaaliya ayaa la gudaa, sida ay sheegtay guddiga carruurta ee Qaramada Midoobay.

Laakiin guddiga qaxootiga ma rumaysnayn in ay khatar ku soo fool leedahay gabadha hadii loo mastaafuriyo Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah in waalidka lagu qiimeeyay in ay yihiin dad karti leh oo iska caabin kara cadaadiska uga imaanaya qoyska iyo bulshada ku xeeran Soomaaliya, hadii la doono  in gabadhooda si qasab ah lagu gudo.

Go'aannada ka soo baxa guddiga qaxoontiga lagama dacwoon karo hay'adaha kale ee Danmark, laakiin guddiga carruurta ee Qaramada Midoobay, oo ka kooban 18 khubaro madax-bannaan oo dalal kala duwan ka yimid ayaa kiiskan qaaday.

Taasina waxay keentay in la naqdiyo go'aanka Danishka. Waxaa ka mid ah in guddigu uu isha ku hayo in dalalku u hoggaansamaan waajibaadka saaran ee ka dhashay heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta.

Waxa uu Denmark ka dhaqan galay 1991kii. Qoyska ayaa loo ogolaaday inay Danmark sii joogaan inta kiiska laga baaraandegayo.

Hadaba Go’aanka cusub ee ka soo baxay guddiga qaxootiga ayaa lagu qiimeeyay in ay jirto khatar weyn oo ah in gabadha lagu sameeynayo  gudniin fircooni ah hadii  dib loogu tarxiilo  Soomaaliya. Qiimeyntu waxay ku nuuxnuuxsatay, qodobo kale tusaale in gabadha walaasheed oo ka weyn si qasab ah loogu guday Soomaaliya.

Category