Mala joogaa xilligii Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ay wada hadal yeelan lahaayeen?

Muqdisho (RH)-Waxaa jira warar la isku khilaafsan yahay oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horreysay codsatay in lala furo wada xaajood, xilli muddooyinkii u dambeeyey uu ku socday weerar ka dhan ah ururkaas, oo dawladdu feedraalku horkacaysay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab. Alshabaab ayaa muddo kor u dhaafaysa toban sano, qaraxyo waaweyn ka geysanaysay caasimadda Soomaaliya, xilli isla markaana ay maamulayeen qeybo ka mid ah gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka, taas oo adkaysay dadaalladii muddada dheer socday ee dib u dhiska Soomaaliya ee ay beesha caalamku horkacaysay. Haddaba xilligan suuragal ma tahay in markan wadahadal xaajada lagu dayo, mase la gaadhay xilligii miiska la isugu imaan lahaa, kaddib sannado xaalku ahaa ku dhufo oo ka dhaqaaq? Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah ayaa BBC-da u sheegay in arrintan hadda soo cusboonaatay ee ah in wadahadal ay dalbadaan ay ka dhigantahay in Al-shbaab ay dareemeen culeys ka dib markii cadaadis ay kala kulmeen hawlgallada dowladda iyo kuwa shacabka.

“Waxaa laga yabaa in ay hadda raadinayaan waddo kale oo ay ku raadinayaan inay kaga badbadaan dowladda iyo shacabka ee is wata iyo sidoo kale beesha caalamka oo garab taagaan, marka waxaad moddaa inay raadinayaan fursad kale oo ay ku bad-baadaan.”

Haddiiba wadahalkaas la furo ma laga yaabaa in xaaladdu sidan iska badasho?

Waxaan horta la ogeyn in dowladda ay wadahalkaas diyaar u tahay inkastoo madaxweynaha la doortray 15-kii September uu sheegay in wadahalka uu u furan yahay laakiin haddana ma cadda in dowladda ay diyaar u tahay? Halkaas caalamo su’aal ayaa taagan,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Hase yeeshee dhanka kale Axmed ayaa sheegay in laga yaabo in beesha caalamka ay daneynayso wadahal dhexmara labada dhinac, maddaama muddo 15 sano ka badan dagaal lagula jiro wax guul ahna aan laga gaarin dagaalladan sii daba dheeranaya.

Xigasho: BBC

Category