Dhalinyaro Ku Nool Magaalada Burco Oo isku-Xilqaamay Hawlo lagu Dayactirayo Kibaabka Quraanka Ah

Burco(RH):-Dhallinyaro ku nool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si mutadawacnimo ah iskugu-xilqaamay howlo lagu dayactirayo kutubta qur’aanka ah iyo axaadiisa ku dayacan meelo aan munaasib ahayn.dhallinyaradan oo si iskood ah isku xil qaamay ayaa dayac tiray kutub badan.

Guddoomiyaha xaruntan lagu dayac tiro kutubtan Farxaan Axmed Bayle  oo faahfaahin ka bixiyey arintan lagu dayactirayo kutubta qur’aanka ah ayaa ku dheeraaday dedaalada ay ku bixiyeen dayac tirka kutubta qur’aanka Kariimka ah, waxaanu sheegay inay kutubta ka soo ururiyaan goobaha masaajidada, Madarasadaha iyo maktabadaha,banaanada ,Guryaha

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawshan lagu fuliyo tabarucaad ay bulshada ka helaan,taasi oo sababtay in todobaadkiiba laba maalmood la tago meelaha laga soo ururinayo.

 Ugu dambayntiina waxa uu baaq u diray bulshada Soomaaliland oo uu ka dalbaday in sadaqada iyo tabaruucaadka lagu bixiyo dayac tirka kutubta Alle.

Cabdirashiid oo ka tirsan dhallinyaradan sida mutadawacnimada ah uga shaqaysta dayac tirka kutubtan ayaa sheegay in qaabkan ay muddo dheer ku hagaajiyeen kutub tiro badan.

 

Category