Qorshaha Horumarinta 60 Magaalo iyo Tuullooyinka Hoos Yimaadda Oo Maanta lagu Ansixiyey Magaalada Laascaanood

Laascaanood(RH):-Maayarka Magaaladda Laascaanood ayaa maanta kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo tuullooyinka hoos yimaadda Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta dawladda hoose ayay u jeedadiisu ahayd ansixinta buugga lagu hagi doono degmadda Laascaanood shanta sanadood ee soo socda

 

Waxaana qabsoomida shirkaasi iska kaashaday dawladda hoose ee Laascaanood iyo ururka ay ku midaysan yihiin dawladaha hoose ee Somaliland iyo haayadda VAG.

Shirkani ayay guddoomiyeyaasha iyo haaydh-tuuleyaashu ku soo gudbisanayeen baahiyahoodda aasaasiga ee shanta sanadood ee soo socda.

 

Maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qorshahani lagu hagi doonno 60-kaa magaallooyin iyo tuullooyin shanta sanadood ee soo socda.waxaanu  yidhi, “Waxaynu soo gebagabaynaynaa qorshihii shanta sanadood ee soo socda, ay ku shaqayn lahaayeen, 60-kaa magaallo iyo tuullooyin ee hoos yimaadda degmadda Laascaanood.

Baahiyaha aynu maanta halkan ku qornayna, waa wax ina anfacaya mustaqbalka insha ALLAAHU, oo jiil ba, jiil u sii gudbin doonno Qorshahani oo shantii sanadood ba mar wax laga bedeli doono, iyadoo masuul waliba magaaladda ama tuulladda uu ka yimid, baahiyaha ka jira uu sidoodda u qoray” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.

Geesta kale C/casiis Taarwale, waxa uu ka warbixiyay siyaadadda dawladda hoose ee Laascaanood.Waxaanu yidhi, “Siyaasadda dawladda hoose ee Laascaanood waxa weeye, in magaallo kasta ama tuullo kastaba, oo lixdankaa magaallo ama tuullo ka mida, in adeegyadda nolosha aasaasiga u ah, noocau doontaba ha noqotee, in aanu gaadhsiino wixii karaankayaga ah”.

Gebagabadii shirkaasi ayaa maayarradii, guddoomiyeyaashii iyo haaydh-tuuleyaashu waxay cod gacan taag ah ugi codeeyeen qorshaha lagu horumarinayo shanta sanadood ee soo socda 60-kaasi magaallo.

Category