Wasaaradda Tamarta & Macdanta JSL Oo Amar Culus Dul-dhigtay Qaar Ka Mid Ah Shirkadaha Korontada Dalka

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. jaamac Xaaji  Maxamuud Cigaal Ayaa Warsaxaafadeed uu Soo Saaray Awaamiir culus faray qaar ka mid ah Shirkadaha laydhka ee gobollada dalka qaarkood.

 

War-saxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Macdanta JSL Oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa Sidan:-

                                                              War-Saxaafadeed

Wasaaradda Tamarta & Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay u xilsaaran tahay dejinta, hagidda iyo hirgalinta himilada qaranka Somaliland ee la xidhiidha Tamarta, Macdanta iyo Shidaalka, iyadoo loo marayo fulinta siyaasadaha, istiraatiijiyadaha iyo mashaarciida fududaynaya in laga midha dhaliyo habsami u adeegsiga khayraadkaasi, iyadoo lala kaashanayo qaybaha kala duwan ee xukuumadda, ganacsatada, bulsho waynta iyo daneeyayaasha kale dhammaantood.

Sidoo kale Wasaaraddu waxay dadaal xooggan ugu jirtaa ka midho dhalinta himilada qaranka ee korontada la xidhiidha, oo ah in la helo koronto jaban, badqabta, la awoodi karo oo la isku hallayn karo.

Sidaa daraadeed, kadib markii Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ay garwaaqsatay tabashooyinka ka soo yeedhaya bulshada Somaliland ee ku saabsan qiimaha korontada; markay aragtay xaaladda adag ee dalku ku jiro iyo saamaynta dhaqaale ee uu keenay xanuunuka Covid-19 ku ee ku yeeshay dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland, iyo qiimaha shidaalka ee dunida oo gaadhay halkii ugu hoosayay, iyo waliba ka dib markii shirkadaha qaar oo u hoggaansamaya Wasaaraddu ay jabiyeen qiimaha korontada, waxa ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland wareegto u dirtay dhammaan shirkadaha kala ah SEPCO (Ceerigaabo), Aloog (Boorama), Telesom (Boorama) iyo Sool Power ( Laascaanood), oo lagu farayay in ay qiimaha ka jabiyaan macaamiisha iyo muwadaadiniinta degaannadaasi.

War saxaafadeedkani wuxuu daaranyahay in bulshada la dareensiiyo in Wasaaradda iyo Tamarta iyo Macdanta oo gudanaysa waajibaadkeeda ay ka go'antahay ka falcelinta tabashooyinka bulshada, iyadoo isla markaa dhawraysa duruufaha gaarka ee shirkadaha korontada ku xeeran, si wadajir looga midha dhaliyo himilada qaranka ee korontada ee ah in la helo koronto jaban, bedqabta, la awoodi karo oo la isku hallayn karo.

Gacmo wada jir bay wax ku qabtaan!

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Jaamac X. Maxamuud Cigaal

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL

Category