Xukuumada Somaliland  Oo Joojisay Dadka ka Imaanaya Ethiopia

Addis-Ababa(RH)Xukuumada Somaliland ayaa si ku-meel-gaadh ah u joojisay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya ka dib markii laga helay qofkii ugu horeeyey ee uu ku dhacay Cudurka Coronavirus.

Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Ethiopia , Barkhad Maxamed Kaariye ayaa shaaca ka qaaday in ay si ku meel gaadh ah u joojiyeen dalka galka , Waxaanay taasi ka dhigaysaa in Somaliland  aanay soo gelin karin dadka u dhashay dalka Ethiopia.

 

“Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka #COVID19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya na ay dadka farayso in la raaco. Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa’id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.” ayuu ku yidhi qoraal uu soo saarey Safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Ethiopia , Barkhad Maxamed Kaariye

 

Category