Hanti Dhawrka Guud Ee Jsl Oo Baadhis Ka Bilaabay Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa(RH)Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland ayaa Baadhitaan ka Bilaabay wasaaradda caafimaadka, cisbitaalka guud iyo ka TB-da ee magaalada Hargeysa.

Sida lagu sheegay War Qoraala Oo ka soo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka Somaliland

War-murtiyeedkan oo  Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska warqabadka Radio Hormuud ayaa u dhignaa sidan :-

Xafiiska hanti dhawrka guud ee Qaranku isaga oo ka duulaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee uu Qaranka u hayo, waxaa uu shaqo baadhis iyo hubin iyo sixid maamul leh ka bilaabay  xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka oo uu ku jiro, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa iyo ka TB-du.

Waxaa xusid mudan in saraakiisha baadhistan ka qayb qaadanayaa ay yihiin hawl wadeenadii bilihii u danbeeyey lagu tababarayay, habka iyo nidaamyada baadhista ee caalamiga ah, taasi oo soo dedejin doonta in ay inooga soo baxdo xarumaha aanu baadhista ka bilownay sanadkan natiijo wax ku oola oo leysku haleyn karro.

Waxaa aanu si sharaf leh uga codsaneyna in ay wada shaqeyn la barbar istaagaan dhammaanba hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee taageera wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo xafiis kasta oo looga baahdo xog wadaagis la xidhiidha nooc kasta oo maaliyadeed, dhaqaale, ama lacageed.

Waxaa mudan in iyana la ogaado ujeedada baadhistu waxaa weeyi in aynu hello jawi ku habboon nooc kasta oo wax isdaba marina lana sugo habka isla xisaabtanka iyo hirgelinta xeerarka la dagaalanka musuq maasuqa, iyadda oo la abuurayo jawi isla xisaabtan iyo daahfurnaan, si bulshada loogu sheego halkay gashay cashuurtooda iyo habka loo isticmaalay iyadda oo mar walba la abuurayo kalsoonida dadweynaha Somaliland gudo iyo dibadba, waajibaadka Qarana ay tahay in aynu dhisno adkeyno islamarkaana aynu hagaajino tiirarka maamul wanaaga ee Qaranka.

 

Category