Roob Sababay Khasaare Naf iyo Maalba leh Oo ka Da’ay Magaalada Hargeysa

Hargeysa(RH)Allah ha U Naxariistee Saddex Qof ayaa Ku Geeriyootay Tiro intaa ka badana waxaa soo gaadhay Dhaawacyo kala duwan ka dib Roob weyn oo dabeylo watay oo caawa fiidkii ka da”ay Magaalada Hargeysa.

Roobkan ayaa sidoo kale Dumiyey Guryo badan oo ku yaalay Xaafadaha kala duwan ee Caasimada Hargeysa.

Madaxa Xog-Ururinta ee wasaaradda Caafimaadka JSL Cabdilaahi Cabdi Yuusuf iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.Ayaa warbaahinta U Xaqiijiyey inay saddexda qof ku Geeriyootay Roobkaasi,isla markaasina cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa la keenay dhaawaca 11 qof oo  kala ah  7 rag ah iyo 4 Haween ah.

Jaamac Xaaji Axmed Cabdi  Badhasaabka Maroodijeex wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay saddexdaas qof ka dhinteen, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiinna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Badhasaabku wuxuu intaasi ku daray in roobkaas debaysha watay uu dumiyey guryo badan oo aan wali tirakoobkooda saxda ah la xaqiijin Karin, waxaanu intaas ku daray in khasaaraha rasmiga ah lagu sameyn doono tirokoob sugan.

Geesta kale Madaxa Xog ururinta ee wasaaradda Caafimaadka JSL Cabdilaahi Cabdi Yuusuf wuxuu intaas ku daray in saddexda qof ee dhintay uu ku soo dumay gidaar,  waxaanu  in Gaadiidka Ambalaasyada loo kala diray degmooyinka caasimadda si ay u soo daad-gureeyaan dadka dhibaatadu ka soo gaadhay roobkaas khasaaraha dhaliyey.

 

Category