Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Oo Soo Bandhigtey Qorshaheeda Shanta Sano

Hargeysa(RH)Kulan ay wada yeesheen Hay’adda Dhawrista Tayada iyo ganacsatada Somaliland  ka hawl gasha  ayaa lagu soo bandhigay qorshaha shanta sanno ee soo socda ay ku hawl gali doonto Hay’adaasi.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray laguna soo bandhigay qorshaha shanta sanno ee soo socda ee Hay’adda Dhawrista Tayada, kaas oo mudooyinkii u dambeeyey gacanta lagu hayey waxana ugu rorayn halkaas ka hadlay xoghayaha rugta ganacsiga Somaliland Ibraahin Ismaaciil oo door weyn ku lahaa qabsoomida shirkan wuxuuna sheegay in kulankan loo baahnaa waqtigiisiina uu ku soo beegmay, isagoo xusay in Hay’adda Dhawrista Tayada iyo rugta ganacsiga uu ka dhexeeyo xidhiidh iyo wada shaqayn wanaagsani.

Sidoo kale, waxa kulankaas ka hadlay Aamina Faarax Caarshe oo ku hadlaysay afka ganacsatada shirkaas ka qayb galay iyo Maxamed Geedi Caynaashe agaasimaha guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada waxayna ka hadleen kulankan iyo ahmiyada uu u leeyahay ganacsatada iyo Hay’adda Dhawrista Tayada, iyagoo tilmamay inay ugu weyn tahay sidii ay ganacsatadu u ogaan lahayd shirciyada iyo qorshayaasha lagu hagi doono iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga saacido.

Dhankiisna waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Md. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, isagoo sheegay inay kulankan ka rajaynayaan inay ka soo baxdo xog muhiim ah oo ay ku wada shaqeeyaan hay’adaas iyo ganacsatada dalku iyagoo gudanaya waajibaadka iyo adeegyada ay bulshada u hayaan, isla markaana wax kasta laga horaysiinayo danta qaranka si bulshada caafimaadkeeda loo dhawro.

Guddoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in qorshahani uu yahay qorshihii guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada, balse ay ay barbar socdaan heer tayeedyadii kala duwanaa ee looga baahnaa shay-kasta in la ogaado tayadiisu inta ay tahay si loo xaiijiyo badqabka bulshada, wuxuuna u mahad celiyey xubnihii ganacsatada ahaa ee kulankaas ka qayb galay sida wanaagasan ee ay u soo ajiibeen martiqaadkaas ay u fidiyeen. 

 

Category