Xukuumada Oo Gacanta ku Soo Dhigtey Dabley Deegaanka Yagoori ku Dishay Laba Sarkaal

Hargeysa(RH)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in la soo qabtay Saddex ka mid ah Dablay hubaysan oo Toddobaadkii hore Gobolka Sanaag ku dilay Taliyihii Xabsiga Gar-adag iyo Ku-xigeenkii Taliyaha Booliska ee degmadaasi. Ciidammada Amniga oo Maalmihii u dambeeyay oo dhan waday hawl-gallo ay ku baadi doonayeen Gacan ku dhiigleyaasha dilay labada Sarkaal, ayaa gacan ku dhigay Shalay saddex ka mid ah Gacan ku dhiigleyaasha iyo Toban Qof oo taakulanayey iyo weliba Shan Gaadhi oo ay falkaa u adeegsadeen.

Sidaana waxaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed Oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Wasiir Kaahin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta waxa Gacanta lagu hayaa Saddex ka mid ah Raggii fuliyey Hawl-galkaa (Labada Sarkaal lagu dilay) iyo 10 Nin oo loo haysto abaabulayaal, Gacan-siin, Taakulayn iyo Rag baadhis ay ku socoto oo Tuhumo ay soo galeen, tobankaa Nina waalla hayaa.”

Wasiirka Arrimaha guduhu waxa kale oo uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay gaadiidkii hawlgalka lagu fuliyey oo tiradoodu dhan tahay 4 gaadhi. “Waxa kale oo la hayaa Gaadiidkii ay Nimankaasi ku hawl-galeen, Afar Gaadhi oo ka mid ah Gaadiidkii lagu hawl-galay iyo Hal gaadhi oo markii hawl-galku dhacay taakulaynta samaynayey, intaas Gacanta ayaa lagu hayaa oo baadhitaankii ayaa lagu wadaa, sharciga ayaana la hor-geynayaa..”ayuu yidhi.

 

Category