Madaxweynaha JSL Oo Amarey In Gacanta Lagu Soo Dhigo Dabley Degmada Yogoori Ku Dishay Laba Sarkaal

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa  uu laamaha amniga ku amray inay gacanta ku soo dhigaan Dableydii Jidgooyada ku Dishay Allaha ha u Naxariistee Taliyihii Xabsiga degmada Gar-adag ee Ciidanka Asluubta Gashaanle Cabdilaahi Axmed Tallan iyo Taliye ku xigeenkii Saldhiga Booliska ee Degmada Gar-adag. Laba Xidigle Nuur Aw Cali Nuux,oo galabta dablay xubaysani ku dileen weerar jidgooyo ah Degaanka Gobabka Maxan ee Degmada Yogoori.

 

Madaxweynuhu waxa uu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda falalka noocaas ah in gacan bira lagu qaban doono.

 

Geesta kale Madaxweynaha Somaliland waxaa uu Dhambaal Tacsi Ah u Direy Ciidamada Qaranka, shacbiga Somaliland iyo Qoysaskii ay ka baxeen labada Sarkaal oo ka tirsanaa Booliska iyo Asluubta

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ciidamada qaranka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Category