Madaxweynaha Somaliland Oo la Kulmay Wafti ka socda Hay’adda  ICRC

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa  xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi.

ic

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

icr

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi.

Category