Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo is Casiley

Hargeysa(RH)Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Xuseen  Warsame ayaa sheegay inuu is casilay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Md. Cismaan Xuseen Warsame Oo Warbaahinta la Hadley ayaa xaqiijiyey inuu xilkii iskaga casilay sababo caafimaad dartood, waxaanu yidhi “Waan iska casilay xilkii aan ka hayey Xukuumadda sababo la xidhiidha Arrimo caafimaad, waxaan madaxweynaha u gudbiyey waraaqdii istiqaalada, waanu iga aqbalay.”

Sidoo kale, Dr. Cismaan Xuseen Warsame wuxuu madaxweynaha uga mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay u wada shaqeeyeen. “Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi sidii wanaagsaneyd ee aanu u soo wada shaqeynayey muddadii aan Agaasimaha Guud ka soo ahaa Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warfaafinta labadaba,”ayuu yidhi Agaasimihii Warfaafintu.

Waxa kaloo uu u mahadceliyey Masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta oo uu xusay inay si milgo leh u soo wada shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey oo ku sineyd Bishii Ougust ee sannadkii hore.

 

Category