Xukuumada Somaliland Oo Magaalada Nairobi ku Qabatey Shir ku Saabsan Horumarinta Maalgashiga Dalka

Nairobi(RH):-Caasimada dalka Kenya ee Nairobi waxaa  ka qabsoomay kulan balaadhan oo ay wada jir u soo agaasimeen Wasaaradda Maalgashiga Somaliland  iyo Safaaradda Somaliland ee Dalka Kenya.

 

Kulankan  oo lagu casuumay tiro ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee maalgashiyada baaxada leh ka sameeyey dalalka Bariga Afrika ayaa ugu horayn ba Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga JSL uu kula wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland iyo kaabayaasha sahlaya maalgashiga oo ay kamid yihiin; khayraadka dihin, nabadgelyadda, badaha, dhalinyaradda tirada badan ee aqoonyahanka ah iyo siyaasadaha ay Dawladdu u diyaarisay in ay ku soo jiidato maalgashiga.

 

Ganacsatada Soomaalida ayaa waydiimo iyo warcelin kadib dhankooda bogaadiyey kulankan bar bilowga ah iyaga oo dhankoodana cabiray muhiimada kulankan iyo xogta wanaagsan ee ay ka ogaadeen maalgashiga Somaliland.

ERW

 

RT

 

FE

Ugu dambayn, Kulanka ayaa ku soo dhamaaday xog wadaag muhiim ah iyo xidhiidho cusub.

 

Category