Somaliland Oo ku Dhawaaqday Xabad joojin

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa War-Saxaafadeed ka kooban 6 qodob  ka soo-saartey Xaalada Magaalada Laas-caanood waxayna ku dhawaaqay Xabad joojin

                                              WAR-SAXAAFADEED.

1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska bedelin.

2. Xukuumadda JSL wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.

3. Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaara u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL.

4. Dhinaca kale, Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan.

5. Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ihi.

6. Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay ku dhawaaqday kana go’antahay dhaqangalinta Xabad-joojintaasi.

 

Category