Masuuliyiinta Cusub Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Xilkii la Wareegay

Hargeysa(RH)Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Md. Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyeen Wasiir Ku-xigeenka iyo Agaasimaha cusub ee Wasaaraddaas ayaa maanta xilkii kala wareegay masuuliyiintii hore ee wasaaradaas.

Xafladii xil-wareejinta oo lagu qabtay  xarunta wasaarada, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland, madax dhaqameed,abwaaNno,Fanaaniin,masuuliyiin ka socotay xisbi xaakimka kulmiye,shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay C/laahi Aadan Cumar Wayab oo ku hadlayey Magaca shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta waxaanu  soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub halka shaqaalaha wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigalinta kula dardaarmay inay la shaqeeyaan masuuliyiinta cusub ee xilka la wareegay.

Ku simaha agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Agaasimaha Telefishanka Qaranka  Maxamed Xasan Cali Waji ayaa sheegay in madaxdii wasaaradda ee xilka wareejinaya ay shaqaalaha iyo madaxda Wasaaraddu ula soo shaqeeyeen si wanaagsan, isla markaana masuuliyiinta cusub ula shaqeyn doonaan si dhow.

Geesta  kale Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Mukhtaar Maxamed Cali ayaa ka warramay qiimaha wasaaradani qaranka ugu fadhido iyo himilooyinka ay madaxda cusubi doonayaan inay ku shaqeeyaan muddada ay xilka hayaan.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdi Naasir Cumar Jaamac,  ayaa balanqaaday inay Shaqaalaha wasaaradda ku dhaqi doonaan sinaan iyo Caddaalad.

Wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta C/raxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri barwaaqo) ayaa sheegay in muddadii sannadka iyo saddexda bilood ahayd ee uu wasaaradda hoggaaminayey ay diyaariyeen xeerkii cusub ee Saxaafadda, kaasi oo uu tilmaamay inuu dhammaystiran yahay oo Khamiistii hore lagu waday inay horgeeyaan Golaha Wasiirrada.

Waxa kaloo uu xusay in barnaamijka “Kobci Garaadkaaga” ee ay soo kordhisay wasaaraddu sannadkii hore uu ahaa mid bulshadu ku xidhan tahay oo xiise yeeshay, waxaanu ku baaqay in la sii ambo-qaado barnaamijkaasi.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay shaqada wasaaradda warfaafinta, maadaama uu muddo badan ahaa Maareeyaha Telefishanka qaranka Somaliland. Waxaanu balanqaaday isaga iyo madaxda kale ee wasaaraddu ay dedaal badan gelin doonaan wax soosaarka warbaahinta qaranka.

Wasiir Maxamed Muuse wuxuu xusay inay wasaaradda looga baahan yahay inay qowl iyo qalin ku  lagu difaaco qaranimadda Somaliland.

 

Category