Kenya oo ka digtay kooxda Shabaab in ay la wareegto Soomaaliya

Washington, DC (RH)-Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ka digay in Al-Shabaab ay la wareegi doonto Soomaaliya, haddii ciidamada ATMIS ee ka tirsan midowga Afrika ay ka baxaan dalkaas dabayaqaada sannadkan 2024-ka.

Hadalkan ayuu Ruto ka sheegay dalka Maraykanka halkaasoo uu kula kulmay dhiggiisa Jo Biden, waxaana uu sheegay in Al-Shabaab in awood weyn ay weli lee dahay.
Madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay dowlada Maraykanka in ay u istaagto sidii looga hortegi lahaa xaalad la mid ah Afgaanistaan oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

“Maanta, Kenya waxaa dib u celinaya caqabadaha amni ee Geeska Afrika. Kahor inta aanan halkan imaan sabtidii, waxaan xiriir la sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ina heysata caqabado dhanka ammaanka ah, sababtoo ah dhimista ATMIS,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.

Kenya ayaa kamdi ah dalalka Afrika ee ciidamo u diray Soomaaliya kuwaasoo ka tirsan howgalka  ATMIS ee QM ay barataarto, kuwaasoo dagaalo kula jira Alshabaab.

Si kastaba, warbaahinta Kenya, ayaa maanta qoray in dowladda ay sare u qaadday cabsida ah in ka bixitaanka ciidamada midowga Afrika oo lagu wado in ay ka baxaan dalka Soomaaliya dhammaadka sannadkan, ayna soo gabagabeeyaan howlihii ay ka hayeen dalkaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category