Faah-faahin ku saabsan howgal NISA ay ka sameesay Muqdisho

MUQDISHO (RH)— Ciidamada hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA iyo kuwa Booliska ayaa howlgallo ay xalay iyo saaka ka fuliyeen magalada Muqdisho kusoo qabtay kooxo 'burcad' ah, hub, rasaas, waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo maandooriye, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

NISA ayaa degmada Dharkenley waxay kasoo qabatay haweeney gurigeeda ay ku keydsanaayeen hub, rasaas iyo waxyaabahaa qaraxa, kadib howlgal qorsheysan oo ay ciidamadeedu sameeyeen, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay sarkaal ka tirsan ha'adaha ammaanka.

Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in ciidamada NISA ay wadaan baaritaanno dheeri ah oo la xiriira amniga Muqdisho, isaga oo intaas raaciyay in haweeneyda lasoo qabtay loo gudbin doon hay'adaha caddaaladda.

Dhinaca kale, ciidamada booliska degmada Howlwadaag ayaa suuqa Bakaaraha ka qabtay rag hubeysan oo ay ku sheegeen inay 'dhac u geysteen dadka xaafadaha degmada.' Ciidamada booliska deegeenka Ceelashada-biyaha ayaa iyaguna gacanta ku dhigay rag ka ganacsanayay maandooriyaha

Category