Dowlada Itoobiya Oo Khubarro Dhinaca Beeraha ah U Tababaraysa Somaliland

Addis Ababa(RH)Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa afar xubnood oo ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaasi u dirtay tababbar ku saabsan dhaqaalaynta Ciidda iyo Biyaha, kaasi oo wasaaradda horumarinta beeruhu ku howlanayd bilihii u dambeeyay isla-markaana qaybo ka mid ah ka bilowday dooxyada waaweyn ee Biji iyo Waaheen.

Wasaaradda beeraha oo ku talojirta in ay dooxyo badan oo Somaliland ka mid ah in ka fuliso hawlo lagu dhaqaalaynayo Ciidda iyo biyaha, ayaa si loo xoojiyo hawlahaasi waxay khubarro u dirtay dalka Itoobiya, si khibrad dheeraad ah ugu soo kordhiyaan guud ahaan Somaliland, gaar ahaan mashaariicda dhaqaalaynta Ciidda iyo Biyaha ee ay wasaaraddu ku howlan tahay, taas oo ka qayb-qaadanaysa kordhinta wax soo-saarka dalagyada kala duwan ee Dalka.

Tababbarkan oo qaadan doono muddo 20 maalmood ah ayaa waxa xubnaha wasaaradda ka midka ahi wuxuu uga bilaabmay Caasimadda Gobolka Tigrey ee Dalka Itoobiya.

Tababbarkan oo dadka ka qayb-qaadanayaa iskaga kala yimaaddeen inta badan Dalalka Afrika ee Somaliland ka mid tahay ayaa ka bilaabmay Magaalada Mekelle ee Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Tababbarkan oo qaadanaya muddo 20 Maalmood ah, ayaa muddada uu socdo waxay Xubnaha Tababbarka la siinayaa waxay Socdaal ku mari doonaan Tuulooyinka ay ka midka yihiin Alamate, Raya, Azebo iyo Abergele oo ka mid ah dhul-beereedka dalka Itoobiya, waxayna aqoon korodhsi ahaan u soo eegi doonaan Dooxyo waaweyn oo dhul-beereedyada loo xidhay, maaddaama oo Aqoonta Tababbarka lagu qaadanayo ay ka mid tahay sida loo xidho dooxyada, loona joojin lahaa biyaha Roobka ee badda gelaya.

 

Category