Dawladda Somaliland Oo Shir Caalamiya oo  Maalgashi ku Qabatay Kenya

Nairobi(RH)Shirweyne ballaadhan oo  ku saabsan maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland  ay ka soo qaybgaleen Shirkado ganacsi oo caalamiya iyo Wakiillo  dawladeed  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

waxa shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Qunsuliyadda Somaliland ku leedahay Nairobi,waxana ka soo qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo  Dr. Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim iyo masuuliyiin kale.

Shirkan caalamiga ah oo ah kii labaad ee noociisa ah ee Jamhuuriyadda Somaliland  ku qabato Nairobi, waxa sannadkan lagu falanqeeyey  sidii loo maalgashan lahaa Khayraadka dihin ee Somaliland gaar ahaan,  Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Tamarta iyo dhaqaalaha Somaliland.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Maaliyadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo  Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay shirkan ayaa si qoto-dheer uga warramay siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhinaca maalgashiga iyo  sida ay  Somaliland u fududeysay sidii ay u kasban laheyd maalgashiga caalamiga ah.

Waxa kale oo ay Wasiirradu ku booriyeen shirkadaha ka soo qaybgalay shirweynahaas inay maalgashadaan kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md,. Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa  sheegay in shirkaas loogu gudbiyey madaxdii ka soo qaygashay oo  iskugu jiray  saraakiil ka socday dawladda Kenya iyo shirkadaha kala duwan, warbixinno dhammaystiran oo ku saabsan baahiyaha maalgashi ee Somaliland u baahan tahay.

 Danjire Baashe Cawil  wuxuu tilmaamay inay martidii lagu casuumay  gaar ahaan shirkadihii  ganacsigu  ay muujiyeen siday u danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland oo ay ka jirto nabadgelyo iyo dawladnimo shaqeynaysa oo caalamku aamini karo.

 

Category