Badhasaabka  Gobolka Togdheer Oo Dabley Hubaysani   Weerartay

Burco(RH)Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer Dabley Hubaysani ku weerartay Badhasaabka Gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi.

 

Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garanayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanay wax yeelo soo gaadhin badhasaabka iyo masuuliyiinta kale ee la socdayba.

 

Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la socday xiligii weerarku ku dhacay isaga iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Oo warbaahinta la Hadley ayaa waxaa uu yidhi :- “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba,meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka.

Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid waxaa uu Hadalkiisa intaa ku Darey"Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.“Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid.

Category